Shabaab oo kala diray Dhalinyaro Banooni ku ciyaareysay degmada Afgooye

Afgooye(keydmedia) Shabaabka dhawaan la wareegay degmada Afgooye ee gobalka Sh.hoose ayaa shalay galinkii danbe kala diray dhalinyaro kubadda cagta ku ciyaareysay degmada Afgooye ee gobalka Sh.hoose.
Warar Keydmedia Online
Shabaab oo kala diray Dhalinyaro Banooni ku ciyaareysay degmada Afgooye

Dhalinyarada la kala diray ee kubadda cagta ciyaareysay ayaa waxaa u yimid dhalinyaro hubeysan oo Shabaabka ka tirsan kuwaa oo jajabiyay ulihii Goosha isla markaana jarjaray shabaqyadii Goosha.

Axmed Geedi oo ka mid ahaa dhalinyaradii ciyaarta laga carqaladeeyay ayaa keydmedia u sheegay in qaab ciyaareedkooda kubadda cagta uu waafaqsanaa istaraatiijiyada ay shabaab u gooyeen, waxaana ay aad ula yaabeen falka ay kula kaceen shabaabku.

Tartanka kubadda cagta ee shabaab carqaladeeyeen ayaa ahaa mid ay soo abaabushay Shirkad ganacsi oo lagu magacaabo Nation link,.

 www.keydmedia.net

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.