Shabaab oo ku sii qululaya Bu’aale

Bu’aale(keydmedia) Waxaa saacadihii la soo dhaafay gudaha degmada Bu’aale ee gobalka J.dhexe ku sii qulqulaya dhalinyaro ka tirsan Shabaab oo aad u hubeysan kuwaa oo ka careysan go’aanka dadka deegaanka ay isku hortaagaan damaca kooxda.
Warar Keydmedia Online

Qulqulka Shabaabka ee degmada Bu’aale ayaa ka danbeeyay kadib markii dhalinyaro deegaanka ah iyo Shabaabku ay isku mari waayeen fal ay shabaabku doonayaan in ay ku xaalufiyeen dhirta cagaaran ee deegaankaasi.

Shabaabka ayaa heshiis la soo galay ganacsato dhuxusha iibsata waxaana talaabadaasi ka biya diidsan dhalinyaradii deegaanka ee ay shabaabku kol hore ka joojiyeen jarida dhuxusha.

Xiisada tan ugu daran ayaa ka jirta deegaanka Ridaale oo qiyaastii 5KM dhanka Galbeed uga beegan garoonka diyaaradaha degmada Bu’aale ee gobalka J.dhexe.

Www.keydmedia.net

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.