Shabaab oo maxaabiis ku jirdilay Sh/ Dhexe.

Balcad (Keydmedia) - Kooxda Shabaab ayaa waxa ay maxaabiis ku jirdileen xabsi ku yaalla degmada Balcad ee gobalka Shabeelada Dhexe, sida ay xaqiijiyeen qaar kamid ah ehelada maxaabiista lajirdilay.
Warar Keydmedia Online

“waxa ay ahaayeen maxaabiista la jirdilay rag laga soo qabtay degmada Balcad iyo deegaanada ku xeeran, waxaana loo geestay dhibatooyin, walina waa xiranyihiin, wax denbi ahna waa lagu waayay”. Sidaa waxaa yiri mid kamid ah ehelada maxaabiista Shababku jir dileen.


Waxa uu intaa sii raaciay ninkaasi in markasta ay dhacdo in shabaabku ay dhibaatooyin u geestaan shacabka degaankaasi iyaga oo doonaya in ay shacabka sida ay doonaan kayeeshaan.


Kooxda xariirka dhaw laleh ururka Al-qaacida, ayaa waxa ay dalka Soomaaliya qeybaha ay uga suganyihiin kafuliyaan waxyaaba badan oo dhamaantoodba dhibata ku ah shacabka Soomaaliyeed.

www.keydmedia.net

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.