Shabaab oo qorsheynaya ku dhawaaqista dowlad

MUQDISHO(KEYDMEDIA) Xoga hoose oo ay keydmedia heshay ayaa ku waramaya in mudooyinka soo socda ay Alshabaab ku dhawaaqi doonaan dowlad ay iyagu ku sheegeen dowlad islaami ah oo ka hana qaadi doonta Dalka Soomaaliya.
Warar Keydmedia Online

Qaab dhismeedka dowladan ayaa la sheegay inuu ka koobnaan doono gole Baarlamaan, gole wasiiro iyo madaxtooyo waxaana iminka muran uu ka taaganyahay qaabkii loo kala maareyn lahaa qeybsiga xilalkaasi.

Nin codsaday inaan magaciisa oo buuxa lagu bandhigin warbaahinta kuna soo koobay Magaciisa Faarax kana tirsan Alshabaab ayaa u sheegay keydmedia  in Xasan Daahir loo qorsheynayo inuu noqdo gudoomiyaha Baarlamaanka oo ay iyagu u bixin doonaan magaca ah golaha Shuurada si la mid ah qaab dhismeedkii Maxkamadaha.

Xog-ogaalka waxa ay ku waramayaan in muranka ugu xooga badan uu ka taaganyahay xilka madaxtimadana oo ay isku heystaan Axmed Godane, Mukhtaar Mansuur iyo Fu’aad Shonqole waxaana seddexdaasi shaqsi ay isku garbinayaan qabashada xilkaasi.

Abaabulka ay wadaan shabaabka ee ay ku doonayaan dhisada maamul cusub ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xili dowlada dhexdeeda uu ka jiro khilaaf xoog leh iyo is qabqabsi balaaran.

www.keydmedia.net

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.