Shabaabka Bakool oo bilaabay lacago laga qaaday ganacsatada

BAKOOL (KEYDMEDIA) Kooxda Shabaab ee ka talisa gobalada Bay iyo Bakool ayaa ka bilaabay halkaasi lacago laga aruurinayo shirkadaha ganacsiga ee xarumaha ku leh gobaladaasi.
Warar Keydmedia Online

Shirkada dhanka isgaarsiinta ka shaqeysa ee lagu magacaabo Hormuud ayaa shabaabka Bakool waxa ay shalay ka qaadeen lacag dhan 5-kun oo doolar, iyadoona shirkadaha kale ee ka shaqeeya deegaanadaasi laga doonayo lacagahaasi.

Lacagtan ay shirkadaha ka qaadayaan shabaabka ayaa  soo ifbaxday kadib markii dhawaan amar ay soo saareen waxaana Hormuud ay noqotay shirkadii ugu horeysay ee falcelin ka sameysay dalabka ka soo yeeray Shabaabka.

www.keydmedia.net

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.