Shabaabka Baydhabo iyo shirkadaha ganacsiga oo muransan

Baydhabo(keydmedia) Alshabaabka magaalada Baydhabo iyo shirkadaha ganacsiga magaaladaasi ayaa isku mari la’lacago ay shabaabka ka doonayaan shirkadahaasi.
Warar Keydmedia Online

Wakiilada shabaab ee gobalkaasi ayaa ka dalbaday shirkadaha isgaarsiinta iyo kuwa xawaaladaha in midiiba ay bixiso lacag dhan 25-kun oo doolar, iyadoona lacagahaasi lagu amray shirkadaha in mushaaraadka shaqaalahooda in ay ka soo jaraan.

Mahad Cumar Cabdikariin oo ah wakiilka shabaab u qaabilsan magaalada Baydhabo ayaa ugu goodiyay shirkadii aan bixin lacagaasi laga doonayo in ay talaabo deg deg ah ka qaadi doonto hantida iyo shaqaalaha shirkada intuba.

Shabaab ayaa xiliya hore amaro ceynkan oo kale ah waxa ay ku soo rogeen ganacsatada ku sugan gobalo iyo degmooyin kale duwan oo ka tirsan  deegaanada shabaabka ay ka taliyaan.

Www.keydmedia.net

 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.