Shabaabka Ceelbuur oo hanjabaad u jeediyay Shacabka

Ceelbuur(keydmedia) Alshabaabka ku sugan degmada Ceelbuur ee gobalka Galguduud ayaa hanjabaad kulul u jeediyay shacabka deegaanka kadib markii Shabaabku ay xaqiiqsadeen in aan la jecleyn
Warar Keydmedia Online

Xubno Al-shabaab ugu magacaaban arimaha waxbarashada ayaa saakay salaadii subax kadib isugu geeyay dadka deegaanka gaar ahaan ragga masaajid ku yaala halkaasi, waxaana shacabka ay ku wargaliyeen shabaabku in ay ka warhayaan shacabka in ay taageersanyihiin dowlada isla markaana talaabo ay ka qaadi doonaan.

Hanjabada ka soo yeerytay shabaabka ayaa walaac badan waxa ay ku abuurtay shacabka ku nool ceel-buur kuwaa oo mudadanba wajahayay xaalada adag oo dhanka nolasha ah.

www.keydmedia.net

 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.