Shabaabka Hiiraan oo la weeraray

HIIRAAN (KEYDMEDIA) Wararka laga helayo gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay weerar lagu qaaday goob ay fariisin ku lahaayeen shabaabka ku sugan gobalkaasi.
Warar Keydmedia Online

Weerarka ayaa ka dhacay deegaanka Matoore oo galbeedka B/weyne ku yaala ayaa waxaa uu sababay qasaaro dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dhalinyaradii Shabaabka ka tirsaneed ee goobta ku sugneed.

Axmed Cismaan Inji oo hore uga tirsanaa saraakiisha dowlada ee Hiiraan iminka sida uu sheegto ka mid ah maamul isku magacaabay DOOXDA shabeelle oo Kenya lagu dhisay ayaa sheegay in maamulkooda uu ka danbeeyay weerarkaasi.

Mudooyinkanba waxaa gobalka Hiiraan laga dareemayay dhaqdhaqaaq ciidan oo balaaran kuwaasoo u dhaxeeya Shabaab, Ciidamada Dowlada iyo kuwa Itoobiyaanka.

www.keydmedia.net

 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.