Shabaabka Hiiraan oo xiray Idaacadii codka Hiiraan.

Beledweyne (Keydmedia) - Kooxda Shabaab ayaa maanta waxa ay albaabada isugu dhufteen idaacada codka Hiiraan oo saldhigeedu yahay degmada Beledweyne ee xarunta u ah gobalka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya, halkaas oo sanado badan ay kahowl geleysay.
Warar Keydmedia Online

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in xariga idaacada oo maanta dhacay loo sababeynayo dersi diini ah oo shalay ka baxay idaacada oo shabaabku ay dhaliileen, iyaga oo u arkay in uu yahay mid aan anfaceyn aragtida kooxda Shabaab.

Goob joogayaashu waxa ay sheegayaan in dhalinyara hubeysan oo afku u duubanyahay ay idaacada galeen saaka ayna shaqalihii idaacada ku amreen in ay ka baxaan.

Lama oga in Shababaaku idaacadaan ay dhamaan qalabkeeda qaadan doonaan sidii ay horay ugu qaateen idaacado gaar loo lahaa, kuwaas oo qaarkood ay qalabkoodii dib ugu furteen idaacado afkooda ku hadla oo ay ka taageen gobalad qaar.

www.keydmedia.net

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.