Shabakado Al-Shabaab ah oo lagu burburiyay Muqdisho

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir wuxuu uga digay dadka deggan caasimadda in ay guryo ka kireeyaan shaqsiyaad aysan aqoon wax ay yihiin, wuxuuna ku celiyay hadalka ah in Dowladdu la wareegeyso gurigii lagu arko qof ka tirsan Kooxda Al-Shabaab.

Warar Keydmedia Online
Shabakado Al-Shabaab ah oo lagu burburiyay Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo saxaafadda kula hadlay Caasimadda ayaa sheegay in ciidanka ammaanku burburiyeen shakado Al-Shabaab ku lahaayeen Muqdisho.

Guddoomiye Maddaale wuxuu sheegay in ciidamada amnigu ay gacanta ku soo dhigeen xubno ka tirsan Kooxda Al-Shabaab, hub iyo guryo ay degganaayeen oo ay ka dhigteen xarumo ay ku daweeyaan dhaawacooda isla-markaana ka abaabulaan falalka amni darro.

Sida ay Keydmedia Online u sheegeen saraakiil amni, ugu yaraan shan guri oo ku kala yaalla degmooyinka Hodan, Hilwaa iyo Yaaqshiid oo ku yaalla gobolka Banaadir, ayay la wareegtay hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA).

“Howlgallo ay sameeyeen ciidanka Nabad-sugidda, waxa ay helen xogta dhowr guri oo hoy u ahaa rag ka tirsan Al-Shabaab, guryaha qaar waxa ay ka dhigteen isbitaallo ay ku daweeyaan dhaawacyadooda, dhamaantood waa la yahayaa”, ayuu yiri Madaale.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir wuxuu uga digay dadka deggan caasimadda in ay guryo ka kireeyaan shaqsiyaad aysan aqoon wax ay yihiin, wuxuuna ku celiyay hadalka ah in Dowladdu la wareegeyso gurigii lagu arko qof ka tirsan Kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale, Guddoomiye Maddaale wuxuu xusay in Dowladdu go’aan ku gaartay in sida xubnaha Al-Shabaab oo kale loola xisaabtamo ganacsatada lacagaha baadda ah siiya Al-Shabaab, “Haku fududaannina kaalmeynta Al-Shabaab”, ayuu yiri Maddaale.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.