Shacab lagu laayay Shabeellaha Hoose

Gobolka ayaa ah midka ugu xasaradaha badan dalka Soomaaliya, iyadoo ay ka socdaan dagaallo iyo weeraro joogto ah oo barbar socota colaad sokeeye.

Warar Keydmedia Online

MUQDISHO, Soomaaliya - Shan qof oo shacab ah ayaa lagu dilay Maanta duleedka degaanka Yaaqbariweyne, oo ku dhaw degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Saraakiisha gobolka qaar kamid ah oo la hadlay Keydmedia Online ayaa sheegay in dabley hubeysan ay hal meel kuwada dileen shanta qof oo ku sugnaa tuuladda Yaaqroobley, waxaana falka uu la xiriiraa aano qabiil oo ka taagan degaanada ku dhaw Wanlaweyn.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.