Shacab ku geeriyooday dagaalo ka dhacay Muqdisho

Muqdisho(keydmedia) Dagaalo shalay galinkii danbe ilaa xalay ka socday magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa sababay dhimashada iyo dhaawaca dad rayid ah oo aan waxba galabsan.
Warar Keydmedia Online

Dadka dhintay ayaa tiradooda lagu sheegay 5 ruux iyadoona ay ku dhaawacmeen dagaaladaasi ku dhawaad 12 ruux oo rayid ah, waxaana la qiyaasayaa in qasaaraha rayidka gaaray uu intaasi ka sii badan karo.

Inta badan dagaalada ka dhaca magaalada Muqdisho ayaa sababa dhimasho iyo dhaawac soo gaara rayidka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan mana jirto cid dhabarka u ridata mas’uuliyada  dhibaatada gaareysa shacabka Soomaaliyeed.

Seddexdii sano ee la soo dhaafay ayaa magaalada Muqdisho waxaa ka socday dagaalo iyo duqeymo xoogan oo u dhaxeeyo ciidamo u badan ajaanib oo kala taageera dowlada iyo mucaaradka waxaana dagaalka ajaanibta u dhaxeeya uu sababay geerida shacab fara badan.

www.keydmedia.net

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.