Shacab ku geeriyooday rasaas ay fureen ciidamada Burundi

Muqdisho(keydmedia) Ciidamada Burundi ee fariisinka ku leh kuliyadii Jaale Siyaad ayaa saakay salaadii subax xiligeedii waxa ay awooda ka qaadeen rasaas aan ujeedeeda la aqoonsan taasoo sababtay dhimashada iyo dhaawac dad Soomaaliyeed oo xiligaa isu diyaarinayay Salaadii subax.
Warar Keydmedia Online

Axmed Cabdi oo ka tirsan dadka dagan deegaanka Raadeer ee degmada Dayniile ayaa u sheegay keydmmedia in ruux dhintay ay aheyd Gabar dhalinyara ah halka qofka dhaawacmay uu ahaa nin ka mid ah dadka deegaanka.

Goobjoogayaashu waxa ay xaqiijiyeen in xiliga falkaasi uu dhacay aanu wax fatqalalo ama dagaal ah aanu ka jirin deegaanka iyadoona aan la ogeyn sababta ciidamada Burundi ay rasaasta ugu fureen xaafadaha shacabka ay ku nool yihiin.

Tan iyo bilowgii sanadkan ayaa ciidamada Burundi waxa ay rasaas aan loo meel dayan ku dileen 3 ruux oo ka mid ah dadka dagan xaafada Raadeerka iyadoona ilaa iyo 6 kale ay falalkaasi ku dhaawacmeen.

Ma jirto cid wax iska weydiisa dhibaatooyinka ay ciidamada Shisheeye u geestaan shacabka Soomaaliyeed ee isugu jira duqeymaha iyo toogashooyinka caadiga noqday ee ay kula kacaan ciidamadaasi shacabka.

 www.keydmedia.net

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.