Shacabka Baladweyne oo maanta meydadkii shalay garbaha ku sida

Jidadka muhiimka ah ee Baladweyne, oo loo xiray sababo la xariira doorashada Aqalka hoose iyo ammaanka Fahad Yaasiin, ayaa saameyn taban ku yeelatay ehellada dadkii shalay ku dhintay qaraxii ka dhacay magaalada.

Warar Keydmedia Online
Shacabka Baladweyne oo maanta meydadkii shalay garbaha ku sida

BALADWEYNE, Soomaaliya – Inta badan waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa maanta u xiran doorashada xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta ka billaabaneysa magaalada.

Sida ay Keydmedia Online u sheegeen dadka degaanka, ciidamo lasoo dhoobay waddooyinka, ayaa gabi ahaan hakiyay dhaq dhaqaaqa dadka iyo gaadiidka, taas oo caqabad ku noqotay aasidda dad shacab ah oo shalay lagu laayay qarax ka dhacay magaalada.

ka sokow, billaabashada doorashada, waxaa xayiraadda shacabka, sii xoojiyay ilaalada agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin, oo Sabtigii gaaray Baladweyne, si uu u soo boobo kursiga HOP086, oo baarlamaankii 10-aad uu ku fadhiyay, Xildhibaan Faarax Sheekh Cabdulqaadir.

“Jidka muhiimka ah ee hor mara dabaqa Yuusuf Dabageed, waxaa xirtay ilaalada Fahad Yaasiin, qoysas dhibban oo saaka doonayay in ay aasaan meyd ay garbaha ku sideen ayaa dib loo soo celiyay, inta badan waddooyinka muhiimka ah ayaa xiran”. Ayay tiri Luul Xasan oo la hadashay KON.

Cali Xaashi, ayaa sidoo kale sheegay in Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe, uu galinkii danbe ee shalay amar ku bixiyay in la jaro jidadka muhiim ah, wax yar kadib qarixii ka dhacay maqaaxida Xasan Dhiif, si uu Madaxtooyada Beledweyne ugu qaabilo Fahad Yaasiin.

Shacabka Muqdisho, ayay hore ula dhibaatoonayay xirnaanshiyaha wadooyinka, taas oo dhaqan gashay markii ay majahara dalka la wareegeen Fahad iyo Farmaajo, shan sano ka hor, dadka caasimadda ayaana muddo ka cabanayay meydadka garabaha lagu qaado iyo hooyooyinka waddooyinka ku u mulaya jidadka Jaran owgood.

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT, ayaa xalay mar kale Guddiga heer gobol ee Hirshabelle, SEIT, ku war galiyay in la hakiyo doorashada kursiga HOP086, kaas oo loo badinayo in eedeysane Fahad Yaasiin ay soo siiyaan Cali Guudlaawe iyo Yuusuf  Dabageed.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.