SHAKI - Janaraal Zakiya baaris halagu sameeyo!

Macallin Shuceyb wuxuu maanta dhibbane u yahay oo booliskii ay ahayd in uu xuquuqdiisa iyo sharciga ilaaliyo. Wareysi uu Macallinku siiyay Galgaduud TV ayuu ku sheegay in uu dhibbane u yahay warkii ay Zakiya ka faafisay,ee warbaahintuna ka sii xigatay. Wuxuuna ka dalbaday in ay raalligelin ka bixiso gefkii ay kula kacday.

Warar Keydmedia Online
SHAKI - Janaraal Zakiya baaris halagu sameeyo!

DHUUSAMAREEB , Soomaaliya - Dec 17, 2022 Taliye-ku-xigeenka Booliska Soomaaliya Janaraal Zakiya Xuseen Axmed ayaa baahisay in Shuceyb Cabdi Maxamuud oo ah Macallin Dugsi Qur’aan, uu magaalada Dhuusamarreeb ku kufsaday seddax gabdhood oo 7 jir, 9 jir iyo 11 jir kala ah. Booliska Dhuusamarreeb ayaa soo xiray Macallin Shuceyb, waxaana la dhigay xabsi uu ku xirnaa 2 maalmood.

Gabdhihii waxaa loo diray baaris caafimaad, waxayna dhakhaatiirtu soo caddeeyeen in aan kufsi lagu kicin. Baaritaan ka dib, Maxkamadda Gobolka Galgaduud ee magaalada Dhuusamarreeb waxay xukuntay in dacwadda loo haysto Macallin Shuceyb ay tahay been-abuur aan sal iyo raad lahayn. Waxaana warbaahinta la hadlay hooyooyinkii soo dacweeyay Macallinka oo caddeeyay in ay ku been-abuuranayeen macallinka.

Mid ka mid ah baarayaasha kiiskan wuxuu sheegay in labada hooyo ee kala dhalay seddaxda gabdhood ay sheegeen in been-abuurkan ay baahi ku qasabtay, oo hay'ad ay lacag ku soo siisay in ay Macallinka dacwaddaas ku soo oogaan. Kiiskaas waxaa baahiyay oo Baraha Bulshada keenay Janaraal Zakiya.

Maalmahaan waxaa Baraha Bulshada qabsaday kiiska gabar ay kufsadeen seddax wiil oo mid u galmoonayo, midna gabadha gacmaha ka hayo, kan kalena uu muuqaal ka duubayo. Waa kufsi wadareed wata muuqaal caddeyn ah.

Ma ogi fal kaas ka xun oo gabar Soomaaliyeed lagu sameyn lahaa. Waxaa layaab leh in Janaraal Zakiya aysan marnaba ka hadlin kiiskaas caddeyntiisa leh iyo falalka dil, dhaca iyo kufsiga wata ee maalin kasta dhaca, halka ay faafisay xogta Macallinkaas lagu been-abuurtay.

Xaaskii Nabiga, Caa'isha, Alle ha ka raalli noqdee, ayaa sidaas loogu been-abuurtay sanadkii 6aad ee Hijriyada. Alle ayaa Caa'isha bariyeelay. Si looga hortago gefka iyo been-abuurka nuucaan ah, wuxuu Qur’aanku Aayadda 4aad ee Suuradda Nuur noogu sheegay in la edbiyo oo 80 jeydal lagu dhufto qofkii been-abuur nuucaan ah ku dhaawaca sharafta qof aan waxba galabsan.

Qodobka 35aad ee Dastuurka Soomaaliya wuxuu dhigayaa in eedeysanuhu uu dambi la'aan yahay ilaa ay maxkamad ka xukunto, waxaana gef ah in la warbaahinta lagu baahiyo in uu dambigaas gaystay ilaa lagu caddeeyo oo maxkamad xukunto. Qodobbada 451aad iyo 452aad ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed waxay dhigayaan in qofkii ku been-abuurta oo dhawaaca sumcadda ruux kale lagu ciqaabayo xarig 6 bil ilaa 3 sano ah iyo in uu bixiyo magdhawga qofkii sharaftiisa dhaawacay.

Macallin Shuceyb wuxuu maanta dhibbane u yahay oo booliskii ay ahayd in uu xuquuqdiisa iyo sharciga ilaaliyo. Wareysi uu Macallinku siiyay Galgaduud TV ayuu ku sheegay in uu dhibbane u yahay warkii ay Zakiya ka faafisay,ee warbaahintuna ka sii xigatay. Wuxuuna ka dalbaday in ay raalligelin ka bixiso gefkii ay kula kacday.

Janaraal Zakiya kaliya kuma xadgudbin Macallin Shuceyb ee waxay sidoo kale suurad-xumeysay Macallimiinta Dugsiyada Qur’aanka. Waxaa muuqata in uu yahay sumcad-dil iyo suurad-xumeyn ku-talagal ah, oo Soomaalida lagu nacsiinayo dugsiyada Qur’aanka. July 5, 2020 waxaa sidaas oo kale u beenoobay kufsi lagu soo eedeeyay Macallin Dugsi Qur’aan ku hayay Afgooye, oo ay Janaraal Zakiya baahisay.

Macallin Shuceyb wuxuu maanta u baahan yahay in sharciga u hiilliyo, oo uu caddaalad helo. Lana maxkamadeeyo dadkii been-abuurkaas isu kaashaday. Booliska Dhuusamarreeb iyo Maxkamadda Gobolka Galgaduud waa in aysan kiiskaas ka harin, oo ay soo xiraan hooyooyinkii ku been-abuurtay Macallinka iyo hay'addii lacagta ku siisay.

Janaraal Zakiyana waa in ay raalligelin ka bixiso Macallinkaas ay sumcaddiisa dhaawacday iyo suurad-xumeynta ay ku samaysay macallimiinta dugsiyada Qur’aanka, lana maxkamadeeyo, oo ay been-abuurkaas ay baahisay ku mudataa ciqaabta uu sharcigu dhigayo.

XUSEEN SABRIYE – KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.