Shanta Qodob ee looga gudbi karo Doorasho dadban 2025

Madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh oo ka hadlay maanta Madasha Aragti wadaagga Heritage ee Garoowe, ayaa sheegay in Maamullada iyo dowladda looga baahan yahay Shirarkooda inay kusoo biiraan dhinacyo kale, si caqliga ka maqan loogu biiriyo.

Warar Keydmedia Online
Shanta Qodob ee looga gudbi karo Doorasho dadban 2025

GAROOWE, Soomaaliya - Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa soo bandhigay qodobo uu isaga u arko in looga bixi karo marxaladda kumeergaarka mudada dheer lagu soo jiray.

Waxyaabaha ugu waaweyn ee loo baahan yahay si looga gudbi karo doorasho dadban 2025:

1- Qabyo-tirka Dastuurka,

2 - Dhismaha maxkamadda dastuuriga ah,

3 - Sharciga xisbiyada in dib u eegis lagu sameeyo,

4 - Sharciga doorashooyinka in dib loo eego,

5 - Doorashooyinka dowladaha hoose.

Mid mid aan u dul istaagno qodobadan kor ku xusan:

Dastuurka waa caqabadda ugu wayn ee dalka hortaagan, wuxuu noqday dastuurkii ugu waqtiga dheeraa oo dal ku yaalla aduunka loo diyaariyo, iyo midkii ugu qiimaha badnaa, maadaama in ka badan 16 sano dhaqaale lagu bixinayay, walina qabyo ah.

Maxkamad Dastuuri ah dhismaheeda Farmaajo ma doonayo, sida dad badan oo siyaasiyiin ah ay sheegeen, maadaama uusan rabin Madaxweynaha in ay jirto meel lagu kala baxo hadii doorashadda lagu murmo natiijadeeda.

Xisbiyadda waaba uu ka saarey Farmaajo hanaanka doorashadda lagu galayo sanadkan, isagoo ka dhigay go'aanka mid ka dhaxeeya dowladdiisa iyo Maamul Goboleedyada dalka ee shanta ah.

Sharciga doorashooyinka waxaa lagu meel-mariyay qol mugdi ah, iyadoo aan ma marin Aqalka Sare, doodiisana sababtay khilaafka iyo wadashaqeyn la'aan soo kala dhex-galay labada aqalka ee Baarlamaanka.

Doorashooyika dowladaha hoose dalka ma ahan mid diyaar u ah xilligan sababtoo ah ma doonayaan madaxda inay cod shacab iyo hanaan dimuqraadiga ay kursiga ku yimaadaan, oo waxay door-bideen doorashooyinka laaluushka iyo musuq-maasuq lagu soo baxo.

Soomaaliya ayaa wadada kaliya ee ku gaari karto doorasho qof iyo cod ah waxay yihiin xasilooni siyaasadeed, amni la isku halleyn karo dalka oo dhan iyo dastuurka oo la dhameystiro, laguna ansixiyo afti-dadweyne.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.