Shaqaale Hindi ah oo lagu afduubay Muqdisho

Ku dhawaad 10 bilood ayay ka shaqeynayeen Shirkad fadhigeedu yahay magaaladda Muqdisho, oo inta u diiday mushaarka kadibna la haystiyaal ka dhigatay.

Warar Keydmedia Online
Shaqaale Hindi ah oo lagu afduubay Muqdisho

INDIA - Wasaaradda Arrimaha Dibadda Hindiya ayaa sheegtay inay wado dedaallo lagu soo sii deynayo 33 muwaaddin oo lagu haysto magaaladda Muqdisho, ee Caasimadda Soomaaliya.

Waxay u shaqeynayeen Shirkad aan magaceeda la shaacin mudo ku dhaw hal sano, iyagoo markii dambe la sheegay inay la haystiyaal u noqdeen isla dadkii ay shaqaalaha u ahaayeen.

Wasaaradda waxay xustay inay Safaradda Hindiya ee Kenya ay ka shaqeynayso sidii muwaadiniinta dalkooda dib loogu soo celin lahaa, iyadoo wada-xaajood lagula jiro kuwa afduubtay.

“Dhamaantood waxay u shaqeynayeen Shirk fadhigeedu yahay Muqdisho ku dhawaad 10 bilood, iyagoo aan la siinin wax mushaar ah 8 bilood, kadibna waxaa laga dhigtay la haystiyaal u afduuban isla dadkii ay u shaqeynayeen,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxay Wasaaradda sheegtay in labadii bilood ee ugu horeysay si fiican loola dhaqmay markii ay Soomaaliya tageen, laakiin bilooyinkii dambe loo diiday lacagta mushaarka.

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Hindiya ayaa sidoo kale qeyb ka qaadanaysa soo badbaadinta shaqaalahan, iyadoo gudaha Muqdisho laga sameynayo baaritaan.

Sanadihii damne, waxaa dalka Soomaaliya si aad ah usoo shaqo doonanayay dad ajnabi ah, oo u badan Kenyan, Syrian, Yemeni iyo kuwa kale oo Hindiya kasoo safray.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.