Shariif Sakiin “Ninkii Jago Doonaya Qabiilkiisa Dib Ha Ugu Laabto”

Muqdisho (Keydmedia) - Shariif Xasan Sheekh Aadan ninka xilikiisa uu wali muranka ku jiro ayaa kuwa sheegta Xilidhibaanada balse ah Xil-madhibayaasha ugu baaqay inay dib ugu laabtaan beelahooda iyo qabaa'iladooda si markale loo soo doorto.
Warar Keydmedia Online

Xili uu shalay ku soo laabtay magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay dhamaaday xiligii caadiga ahaa ee Baarlamaanka Soomaaliya mar dhowna la samayn doono Baarlamaanka cusub.

“Waxaan leeyahay wakhtigii waa dhamaaday wakhti la hadlo lama joogo, ninkii xil rabaa dib ha ugu laabto beeshiisa si ay xil uga soo helaan”, ayuu yiri Shariif Xassan Sheekh Aadan.

Shariif Xasan oo loo yaqaano (Shariif Sakiin) waxaa la sheegaa inay wax lur ah ku haynin dhibaatada iyo xiliyada adag ee dalka ka jira maadaama ay taageersanyihiin wadamo dano gaar ah ka leh dalkeena Soomaaliya.

Keydmedia.net - Xafiiska, Kismaayo

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.