Shariifyada oo ku mashquulsan diyaarinta Liiska Madow(black list)

MUQDISHO(KEYDMEDIA) Shariifyada oo is khilaafay kadib is casilaadii Farmaajo ayaa iminka la soo warinayaa canaan kadib in uu ku qasbay Mahiga diyaarinta Liiska Madow si loo magacaabo shaqaalaha gumeysiga kadib heshiiskii afduubka ahaa ee Kampala.
Warar Keydmedia Online

C.wali Max’ed Cali GAAS ayaa loo doortay inuu noqdo Shaqsiga badali doono Farmaajo, waxaana iminka lagu howlan yahay diyaarinta liiska madow ee badali doona raggii howl karaka ahaa ee ka tirsanaa Xukuumadii FARMAAJO.

Labada Shariif ayaa laga yabaa in ay isku fahmi waayaan kala qaadashada xubnaha maadaama mid walba oo iyaga ka mid ah uu doonayo inuu hogaanka qeyb ka qabsado isla markaana uu helo shaqsiyaada u dhaga nuqul oo jago loo dhiibo.

Kulan arintaas ku saabsan oo ay xalay wada qaateen shariifyada ayaa fashil ku soo idlaaday, waxaana loo madlanyahay kulan kale oo ay ka soo qeyb gali doonaan dad ka shaqeyn doona is fahamsiinta Shariifyada.

WWW.KEYDMEDIA.NET

 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.