Sh/Dhexe: Xoola dhaqato libaaxyo ka cabaneysa

Jawhar(Keydmedia) Wararka aynu ka heleyno deegaano ka tirsan gobalka Sh/dhexe ayaa sheegaya in deegaano ka tirsan halkaasi xoola dhaqato ku nool ay dhibaato ba’an ku hayaan libaaxyo soo duulay.
Warar Keydmedia Online

Deegaanka Naqeyle oo ka mid ah deegaanada ay dhibaatadan sida weyn uga jirto ayaa waxaa libaaxyado ay ku cuneen 10 neef oo ari ah, taasina waxay walaac galisay dadka ku nool deegaankaasi.

Dadka ku nool deegaanadaasi qaarkood oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa ay sheegeen in aanu abid arkin weerar la mid ah kan iminka ay ku hayaan libaaxyada isa soo baheestay.

 www.keydmedia.net

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.