Sheekh Shariif oo ku baaqay in loo gurmado shacabka Gedo

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ku baaqay in gargaar bini’aadannimo lala gaaro dadka ku dhibaateysan gobolka Gedo.

Warar Keydmedia Online
Sheekh Shariif oo ku baaqay in loo gurmado shacabka Gedo

MUQDISHO, Soomaaliya – Hoggaamiyaha xisbiga Himilo Qaran, Shariif Sheekh Axmed ayaa guud ahaan Shacabka, Dowladda Fadaraalka iyo hay’adaha gargaarka ugu baaqay in gacan la siiyo shacabka ay dhibaateysay abaarta ku dhufatay gobolka Gedo.

“Waxaan ugu baaqayaa Guud ahaan shacbiga Soomaaliyeed qaybihiisa kala duwan, Xukuumadda Xil-gaarsiinta, saaxiibada Soomaaliya ee caalamka, iyo Hay’adaha Samafalka inay kaalmo degdeg ah la gaaraan masiibada bini’aadannimo ee kajirta gobolka Gedo ee Jubaland iyo guud ahaan gobolada kale ee dalka ee laga soo sheegayo masiibooyinka.” Ayuu yiri Sheekh Shariif.

Madaxweyne Shariif wuxuu sheegay in dhibaatooyin is biirsaday oo ay kamid yihiin Biya la’aan, Abaaro, iyo Caabuqa Covid-19 ay dhibaato xoogan ku hayaan shacabka, wuxuuna ganacsatada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay dadka dhibban gacan qantaan.

Dowladda ayuu ugu baaqay inay ganacsatada u fududeeyaan sidii ay dalka u keeni lahaayeen, wax kasta oo looga hortegi karo cudurka Covid-19.

KEYDMEIDA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.