Shiikh Atam “ Shacabka waxaa dhibaateeyay Faroole iyo ashahaada la dirirka”

Galgala(Keydmedia) Shiikh Max’ed Saciid Ata moo ah horjoogaha kooxda ku dhuumaaleysata buuraleyda galgala ee la dagaalanta Faroole ayaa sheegay in dhibaatooyinkii ka dhacay duleedka mudug dhawaan ay mas’uul ka ahaayeen Faroole iyo taageerayaashiisa.
Warar Keydmedia Online

“Waxaan xaqiijinayaan in dhibaatada shacabka gaartay ay mas’uul ka yihiin qolyaha ashahaada la dirirka ee u istaagay dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed ee uu hogaamiyo Faroole, waxaana ugu baaqeynaa shacabka in kooxdaasi ay dhan uga soo wada jeestaan” sidaa waxaa warbaahinta u sheegay Atam.

Hadalka ka soo baxay horjooge Atam ayaa ku soo beegmaya xili maalma ka hor ciidamada Faroole ay xasuuq ba’an ka geesteen deegaano hoostaga Galkacyo.

www.keydmedia.net

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.