Shil gaari oo ay dad ku dhinteen oo ka dhacay Muqdisho

Shil gaari oo ay dad ku dhinteen ayaa wuxuu ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Boondheere.

Warar Keydmedia Online
Shil gaari oo ay dad ku dhinteen oo ka dhacay Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Shil gaari oo khasaro  gaystay ayaa goor dhaw ka dhacay  Degmada Boondheere ee Gobolka Benaadir, shilka ayaa ka dhacay halka loo yaqaanno Nasiib-buundo oo ah meel ay horay uga dhaceen shilal ay dad badani ku dhinteen.

Shilka ayaa ahaa mid ay isku dhaceen labo gaari oo ah nooca Soomalidu u taqaanno Caasiga iyo Mooto Bajaaj, waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac dadkii saarnaa gaariga iyo mootada.

Hal qof oo kamid ahaa dadkii saarnaa gaariga ayaa ku dhintay saddex kalena waa ay ku dhaawacmeen, waxaana dadkii dhaawaca ahaa la gaarsiiyay goobaha caafimaadka si xaalddoda caafimaad loogula tacaalo.

Waddadan shilku ka dhacay ayaa ah waddo laami ah oo dhawaan la dhisay, iyadoo inta badan gawaarida isticmaasha waddadaasi ay xawaare sare ku wadaan, waana meel leexad uu ku jiro taasoo sababta inta badan shilalka, ma jiraan ama aad ayey u yaryihiin wadayaal gawaari oo xirfad uleh wadista gawaarida, qaarkood iyaga oo aan haysan Ruqsadda gawaarida ayey wadaan, mana jiraan sharciyo ay isticmaalaan gawaarida!

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.