Shil gaari oo geystay Qasaara xooggan

Shil gaari oo ka dhacay inta u dhaxaysa Ceel-Guula iyo Af-gaduudle ayaa waxa uu geystay qasaaro xooggan.

Warar Keydmedia Online
Shil gaari oo geystay Qasaara xooggan

MUQDISHO, Soomaaliya - Wararka naga soo gaaraya deegaanada Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in saakay degaan ka tirsan Gobolka Mudug uu ka dhacay shil geystay khasaaro nafeed iyo mid hantiyadeed.

Shilkan ayaa yimid, kaddib markii sida la sheegay uu rogmaday gaari nooca loo yaqaano Biijiga xilli uu marayay inta u dhaxeysa Deegaanada Ceel-guula iyo Afgaduudle ee Gobolka Mudug.

Inta la xaqiijiyay Shilka gaari ayaa waxaa ku dhaawacmay laba Ruux oo gaariga Biijiga ah saarnaa, waxaa sidoo kale ku burburay gaariga iyo raashiin saarnaa.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in labada qof ee Shilka ku dhaawacantay loo qaaday Isbitaalka degmada Hobyo ee Gobolka Mudug si halkaasi loogu daaweeyo, waxaana dadka gurmad u sameeyay dadka degaanka uu Shilka ka dhacay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.