Shil gawaari oo ka dhacay Shabeellada Dhexe

Shil gaari oo qasaaro geystay ayaa maanta ka dhacay degmada Raaga-ceelle ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Warar Keydmedia Online
Shil gawaari oo ka dhacay Shabeellada Dhexe

RAAGE-CEELLE, Soomaaliya - Shil gaari oo qasaaro geystay ayaa maanta ka dhacay degmada Raaga-ceelle ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Shilkaan ayaa ka dhashay kadib markii ay isku dhaceen labo gaari oo mid uu yahay kuwa waawayn ee xamuulka qaada, halka kan kalanaya uu yahay kuwa raaxada.

Isku dhaca labada gaari kadib, gaariga weyn oo dhuxul badan ku rarneyd ayaa ku dul giddoomay gaariga yar oo Market ahaa isla markaana dad shacab ah saarnaayeen.

Maamulka degmada Raagaceelle ayaa sheegay in ka badan shan ruux in ay shilkaan ku dhaawacmeen.

Shilalka ceynkaan ah ayaa dalka o dhan caan ka ah, waxaana loo aaneeyaa masuuliyad daaro wadayaasha gawaarida ah iyo jidadka oo jajaban.

  KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.