Shil gaari oo ka dhacay Duleedka Muqdisho

Wararka laga helayo Deegaanada loo barakacay ee Duleedka Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay shil gaari uu sababay qasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jira.
Warar Keydmedia Online

Shilka ayaa ka dhacay Deegaanka Calamada, waxaana la xaqiijiyay in ay ku geeriyoodeen laba ruux isla markaana ay ku dhaawacmeen seddex kale kuwaa oo loola soo cararay goobaha Caafimaadka ee Magaalada Muqdisho.

Shilka ayaa ka danbeyeey kadib markii laba gaari oo kala ahaa Caasi iyo Ina taree ay is hartiyeen, waxaana gaariga caasiga ah uu ku sii jeeday Degmada Afgooye ee Gobalka Sh.hoose.

Shilalka ayaa mudadan Danbe waxa ay noqdeen mid ka mid ah kiisaska ugu caansan ee dhibaatada dhimasho iyo dhaawac ay kala kulmayaan bulshada Soomaaliyeed.

www.keydmedia.net

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.