Shilalka Baabuurta oo ku soo badanaya Muqdisho

Shilalka gaadiidka ayaa si xowli ah ugu soo badanaya gudaha Magaalada Muqdisho, iyadoo shilalkaasina ay ka dhashaan khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Warar Keydmedia Online
Shilalka Baabuurta oo ku soo badanaya Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Waddo yarrida ka jirta magaalo madaxda dalka, waa mid horseeday in ay kordhaaan shilalka gaadiidka, iyadoo shilkii ugu danbeeyey uu deggaanka Siinka-dheer ka dhacay labo casho ka hor, markaasoo ay isku dhaceen gaari xamuul ah iyo mooto-bajaaj.

Ku dhawaad 2 qof ayaa ku naf waayay oo uu ka mid ah ahaa darawalkii mootada, halka qofka kale oo ahaa rakaab mootada u saarnaa oo ku dhaawacmay.

Darawalada ayaa arrintan u sababeynaya waddo yarri xooggan oo ka jirta gudaha magaalada, taas oo sababeysa in hal jid ay isugu yimaadaan dhamaan gawaaridii caasimada tiilay.

Waddooyinka Muqdisho ayey inta badan dowladda ku jartay dhagxaan waa-weyn, arrimo lala xiriiriyey sugida amniga gobolka banaadir, waxaase weli socda falalka amni darro, oo aan iyagu arrintaasi u hakan.

Dadka qaar ka mid ah ayaa shilalkan badanaya u aanneynaya, gawaarida magaalada, gaar ahaan mootooyinka oo aad u kordhay, maalin walbana soo degga, xilli waddo yarri jirto.

Waxaa kale oo loo tirinayaa in ay masuul ka yihiin shilalka isi-soo-taraya, xirfad yarri heysata darawalada gaadiidka iyo mootooyinka bajaajta loo yaqaano, kuwaa oo qeybtood aanan aqoon sharuucda waddo marista.

Gudaha caasimadda, waddooyinka ay gawaaridu isticmaallaan ayaa kooban, iyadoo jidadkaasi qaarkood ay yihiin kuwa bur bursan, taas oo kordhineysa shilalka, isla markaan waddooyinka ka dhigeysa kuwa cirriiri ah oo ay saxmad badan ka jirto.

KEYDMEDIA ONLINE 

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.