Shir ka dhici lahaa Muqdisho oo loo wareejiyay Dhuusamareeb

Madaxda Maamullada Puntland iyo Puntland ayaa diiday ka qeybgalka Shir maalintii shalay lagu waday inuu ka furmo magaaladda Caasimadda ah ee Muqdisho [July 5, 2020].

Warar Keydmedia Online

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Farmaajo iyo madaxda Dowlad Goboleedyada dalka ayaa isku raacey in Shir ku yeeshaan 8-da bishaan July magaaladda Dhuusamareeb, ee Caasimadda Galmudug, kadib markii uu qabsoomi waayay kulan ay ku balansanaayeen oo ka furmi lahaa Muqdisho Shalay, July 5.

Cabdinuur Maxamed, oo xafiiska Farmaajo u qaabilsan dhanka Warbaahinta ayaa xaqiijiyay kulanka ka dhacaya Dhuusamareeb, isagoo yiri: Ujeeddada shirka loo madlanyahay waa in laga dhabeeyo rabitaanka xooggan ee ay shacabku ku doonayaan inuu kulanku dhaco, ayna ka soo baxaan qodobo dan u ah ajendeyaasha qaran ee hortabinta uleh dowlad dhisidda Soomaaliya".

Wararka ayaa sheegay in Farmaajo uu cadaadis xoog leh kala kulmayo beesha Caalamka, taasoo ku aadan inuu la kulmo hogaamiyeyaasha Maamullada, si xal looga gaaro arrimaha muranka ka taagan iyo xiisadda ka dhalatay dib u dhigista doorashooyinka la filayay November 2020.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.