Shirka DF iyo Maamullada oo Muqdisho ka furmay

Shir madaxeedka dowladda iyo dowlad goboleedyada oo ayaa Muqdisho ka furmay. 

Warar Keydmedia Online
Shirka DF iyo Maamullada oo Muqdisho ka furmay

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa goordhaweyd xarunta Villa Somalia ka furmay shirkii arrimaha doorashada ee dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada.

Shirka oo 3 jeer horay u baaqday ayaa haatan waxaa u dhan Madaxweyne Farmaajo, madaxda dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, waxaana xusid mudan in warbaahinta aysan goob ka aheyn. 

Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Deni iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa dood ka qaba natiijada Dhuusamareeb 3 iyaga oo doonaya in qodobo badan wax laga badalo sida kaalinta dowlad goboleedyada iyo ka qeybgalka xisbiyada Siyaasadda.

KEYDMEDIA ONLINE 

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.