Shir muhiim ah oo ka dhacaya Muqdisho

Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa in Todobaadkan kula kulmo Muqdisho Madaxda Jubaland iyo Puntland oo ka qeybgali doono shir Beesha Caalamka soo qaban-qaabisay oo doorashada looga hadli doono. Wali maalin gaar ah looma cayimid Kulanka.

Warar Keydmedia Online

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa ka socda Muqdisho diyaargarowga Shir muhiim ah oo lagu dhameystirayo heshiiskii Dhuusamareeb 3 ee doorashooyinka, kaasoo la filayo inay kasoo qeybgalaan Madaxda dhamaanka Maamullada, oo ay ku jiraan Jubaland iyo Puntland.

Kulanka ayaa la filayaa inuu ka dhaco Xarunta AMISOM ee Xalane, halkaasi oo amni ahaan u suurta-gelinaysa wakiiladda Beesha Caalamka inay ka qeybgalaan, iyadoo ajandaha uu yahay in heshisi loo dhan yahay laga gaaro doorashadda

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.