Shirka Dhuusamareeb oo furmay

Waa shirkii 4aad oo Dhuusamareeb ku yeeshaan Madaxda tan iyo 2020, walina qodobadii la isku hayay way taagan yihiin.

Warar Keydmedia Online
Shirka Dhuusamareeb oo furmay

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Waxaa goordhaw Dhuusamareeb ka furmay Shirkii Madaxda Maamul Goboleedyada iyo Farmaajo, kaasoo markii hore la qorsheeyay inuu billowdo 1-da bishan, balse 2 maalin dib uga dhacay ciladdo farsamo iyo soo daahida Madaxda awgood.

Waxaa ku sugan Miiska wadahadalka Farmaajo, Roole, Cumar Filisha, Deni, Axmed Madoobe, Guudlaawe iyo Lafta-Gareen, waxaana lagu waramayaa in kulanka ay saxaafadda banaanka ka joogto.

Qodobo xasaasi ah ayay Madaxda ka doodayaan oo la isku hayo, kuwaasoo ay kamid yihiin 13-ka Kursi ee Aqalka Sare laga siinayo Gobolka Banaadir, oo khilaaf ka jiro, arinta Gedo iyo gudiga doorashadda Somaliland.

Farmaajo ayaa doonaya in natiijadda kulanka noqoto mid waafaqsan qorshihiisa doorashadda, ee dhalisay khilaafka hadda jira oo horseeday dib u dhaca codbixinta Baarlamaanka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.