Shir arrimaha Beeraha looga hadlayo oo ka furmay Muqdisho

Shir loogu magac daray Shirka madasha iskaashiga ganacsiga beeralayda Soomaaliyeed ayaa ka furmay magaalada Muqdisho.

Warar Keydmedia Online
Shir arrimaha Beeraha looga hadlayo oo ka furmay Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Magaalada Muqdisho waxaa ka furmay Maanta Shir kale oo ku saabsan Beeraha, kaasoo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Ganacsiga Soomaaliya, waxuuna ka dhacayaa Royal Palace Hotel.

Shirka ayaa loogga hadlayaa siddii Ganacsatada iyo Beeralayduba isaga kaashan lahaayeen xoojinta wax-soo-saarka dalka iyo weliba in suuqyo Ganacsi oo gudaha iyo kuwo Caalami ah loo raadiyo dagalagga lau beero Soomaaliya.

Shirkan waxaa kasoo qeyb-galaya Madaxda Wasaaraddaha Ganacsiga iyo Beeraha Dowladda Soomaaliya, mas'uuliyiin ka socoto Wasaaradda iyo Maamul Goboleedyadda iyo sidoo kale mas’uuliyiin ka socda hay’adda DRC, Ganacsato, Beeralay iyo marti-sharaf kale.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Cali Maxamed Sheekh Bagadi ayaa furay shirka Madasha Iskaashiga Ganacsiga Beeraha Soomaaliya, waxuuna sheegay in shirkani yahay mid xoojinaya siddii wax-soo-saarka beeraha looggu heli lahaa Suuqyo Ganacsi oo dibadda ah.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.