Shirka Jaamacada Carabta oo looga hadlay Arimaha Soomaaliya

Shir madaxeedkii wadamada Jaamacada carabta ee ka furmay magaalada Dooxa ee xarunta wadanka Qadar ayaa lasoo gabagabeeyey, laga soo saarayah war murtiyeed ku saabsan waxyaabihii la isku raacay ee kasoo baxay kulankii madaxdii Carbeed ee ku shiray magaalada Dooxa ee wadanka Qadar.
Warar Keydmedia Online

Qodobada sida weyn u hadheeyey shir madaxeedka carabta ayaa ahaa arimaha wadamada Siiriya, Soomaaliya iyo Falastiin, nuqulka war murtiyeedka ee ku saabsanaa dalka Soomaaliya ayaa waxaa aqriyey ku xigeenka xogyahaya guud ee Jaamcada Carabta Axmed Bin Xudeyd.

Axmed Bin Xudeyd ayaa sheegay in wadamada Jaamacada Carabta ay si diiran u soo dhaweynayaan guulaha dhanka siyaasada iyo amniga ah ee ka dhacay dalka Soomaaliya muddooyinkiin danbe wuxuuna sheegay in wadamada Jaamacada carabta looga baahan yahay iney garab buuxa siiyaan walaalahooda Soomaaliyeed “waa in wadamada Carabtu ay yididiila galiyaan shacabka Soomaaliyeed,waa iney dib ugu noqdaan magaalada Muqdisho si ay gacan u siiyaan umada Soomaaliyeed.

War-murtiyeedka ayaa ku baaqay in wadamada Jaamacada Carabta ay muujiyaan taageero dhab ah oo ay siiyaan dowlada Soomaaliya isla markaane garab laga siiyo  dowlada Soomaaliya dhanka diblamaasiyada iyo siyaasada,war-murtiyeedka ayaa intaa ku daray in dhamaan dalalka Carabtu ay Safaaradahooda dib uga furantaan  doonaan dalka magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Amiirka Qatar ayaa wuxuu hoosta ka xarriiqay in Qatar ay taageero u fidisay Soomaaliya, haatanna ay sii xoojin doonto in ay dhinacyo badan ka caawiso.

Waa markii ugu horreysay ee madaxweyne Xasan Sheekh uu ka qeyb-galo shir madaxeedka Carabta tan iyo markii uu qabtay xilka September, 2012.

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.