Shirkii New York oo la soo gaba gabeeyey iyo baaq ka soo baxay

New York (Keydmedia) - Kulankii halka maalin socday ee golaha amaanka Jamciyadda Quruumaha ka dhaxaysa iyo qaar ka mid ah wadamada daneeya arimaha Soomaaliya ay ku yeesheen New York ayaa laga soo saaray baaq ahaa in la taageero xukuumada KMG Soomaaliya.
Warar Keydmedia Online

Jamciyada Quruumaha ka dhaxaysa ayaa ka dalbatay dalalka deeqaha bixiya iyo ururada samafalka inay taageeraan DKMG Soomaaliya ee caalamku uu taageero taasi oo dagaal kula jirta dhaq dhaqaaqa Al-shabaab ee ka dagaalamo gudaha wadanka Soomaaliya..

Si la mid ah waxaa shirka looga baaqay in la xoojiyo taageerada lasiiyo xafiiska Jamciyadda Quruumaha ka dhaxaysa ee taageerada AMISOM ee la yiraahdo UNSOA kaasoo ka shaqeynaya sidii loo kordhin lahaa tirada ciidamada AMISOM ee joogta magaalada Caasimada ee Xamar..

Ergeyga gaarka ee xoghayaha guud u qaabilsan Soomaaliya Augustine Mahiga oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay inuu jiro gaabis dhinaca taageerada lasiiyo xafiiska UNSOA iyo DKMG Soomaaliya, wuxuuna ku baaqay in arintaasi deg deg wax looga qabto.

Ergeyga wuxuu sidoo kale ku baaqay in wadamadu deg deg u fuliyaan dhawaaqii UN-ka ee ku wajahnaa in ciidamo 4,000 dheeraad ah la geeyo Soomaaliya iyadoo hawlgalka Amisom loo bedelayo mid ay maamusho Qaramada Midoobay.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon ayaa isaguna halkaasi ka soo jeediyey bayaan ka hadlaya taageerada beesha caalamka looga baahan yahay inay siiso Soomaaliya si DKMG ee tabarta darani awood ugu yeelato iska difaacida kooxaha mucaardka ah.

Dhanka kale waxaa shirkaas ka qeybgalay Riisul wasaaraha xukuumada KMG Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo daaha ka qaaday in xukuumada cusub ay wada dadaalo dheeraad ah oo ka dhan ah sidii ay dalka ugala wareegi lahaayeen dhaq dhaqaaqa Alshabaab, asigoono ku soo cel celiyey taagerada caalamka in ay u baahan tahay DKMG SOomaaliya, asigoona qaylo dhaan ka jeediyey in ay abaarta ku dhifatay soomaaliya ay in ka badan laba milyan iyo bar gaajo iyo haraad ugu dhiman doonaan hadii aysan sida ugu dhaqsiyaha badan gar gaar loola gaarin.

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.