Shuruudaha Musharaxa oo sanadkan ka adag kuwii hore

Shuruudaha waxaa ku jira mid ay ku adkaan doonto Musharaxiinta qaar, oo ah in uu helo soo jeedinta iyo saxiixa 20 Xildhibaan, oo Musharaxnimiisa cadeynaya.

Warar Keydmedia Online
Shuruudaha Musharaxa oo sanadkan ka adag kuwii hore

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudiga Isku-dhafka doorashadda, ayaa Maanta soo saarey shuruudo adag, oo lagu galayo tartanka Madaxweynaha, oo looga baahan yahay inay Musharixiinta buuxiyaan.

Waxaa shuruudaha ku jira kuwa adag, oo lacagta diiwaan-gelinta oo $40,000 [Afartan kun oo dollar], ay kamid tahay iyo inuu Musharax walba helo saxiixa 20 Xildhibaan oo xaqiijinaya Musharaxnimadiisa.

Sanadkan waxaa muuqata inuu tartanka adag yahay, oo laaluush bixinta aad u sareyso, iyadoo huteellada Muqdisho ka socoto kala iibsasho codadka Xildhibaanada oo qiimo badan maraya.

Waxaa jira Musharixiin jeeb-weyn oo ay kamid yihiin Xasan Sheekh, Sheekh Shariif, Xasan Cali Khayre iyo Farmaajo, oo ah kuwa xilal soo qabtay, oo ka faa'ideystay inta xafiiska joogeen.

Akhriso Shuruudaha:

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.