KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Xeer Madaxweyne ku kala diray Golaha degaanka Degmada Boosaaso.
Boosaaso, Soomaaliya - Madaxweynaha Puntland, Siciid cabdullaahi Deni ayaa kala diray Golaha degaanka Degmada Boosaaso.
"Madaxweynaha Puntland Markuu arkay Dastuurka Dowladda Puntland qodobkiisa 123-aad, farqaddiisa 4-aad, Xeerka Maamuulka Degmooyinka iyo Gobolada (Lr 7) ee Dowladda Puntland qodobkiisa 27-aad farqaddiisa 5-aad, Warbixinta Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Dowladda Puntland, Talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland iyo Go’aanka Maxkamadda Sare ee ku saabsan kala diridda Golaha Deegaanka Degmada Boosaaso Waxaa la kala diray Golaha Deegaanka Degmada Boosaaso". ayaa lagu yiri war ka soo baxay Madaxtooyada Puntland.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.