Sidee Ciidanka Midowga Afrika uga qeyb-qaateen dagaalka Al-Shabaab?

ATMIS ayaa horey loo oran jiray ATMIS, iyadoo magaca la bedelay kadib markii howlgalka uu fashilmay oo 15 sano ku guuleysan waayay inuu dalka ka saaro Al-Shabaab.

Warar Keydmedia Online
Sidee Ciidanka Midowga Afrika uga qeyb-qaateen dagaalka Al-Shabaab?

MUQDISHO, Soomaaliya - Qoraal kooban oo ATMIS soo saartay ayay ku sheegtay inay Ciidanka Miwoga Afrika ka qeyb qaateen howlgalladii ugu dambeeyay ee gobolka Hiiraan, kuwaasoo Al-Shabaab looga saarey degaanno badan, oo ay kamid yihiin Aboorey, Yasooman, Booco iyo Sandhaqo.

ATMIS ayaa oo bandhigtay muuqaal iyadoo diyaarad helicopter ah ku qaadeyso dhaawaca askarta dowladda, oo jiida dagaalka laga soo qaadayo, waxaana la ogeyn in uu la eg yahay khasaaraha soo gaarey dhanka CXDS.

Howlgalka Midowga Afrika ayaa intaasi ku daray inay ku faanayaan qeybta lixaadka leh ee howlgalka, oo hadda galay wajiga labaad, kaasoo ka dhacaya Galgaduud iyo Hiiraan, iyadoo hadda laga billaabayo Koonfur Galbeed, oo Al-Shabaab meelo badan ka haysato.

Wajigii labaad ee weeraradii isdaba jooga ahaa ee ay Ciidamadu ka fuliyeen gobolada Hiiraan iyo Galguduud, ATMIS waxay Ciidanka ku taageertay saadka cirka iyo dhulka si ay gacan uga geysato xoraynta magaalooyinka," ayaa lagu yiri qoraalka," ayay tiri ATMIS.

Guusha dagaalka Hiiraan ayaa noqotay mid dhiira-gelisay shacabka inay hubka qaataan, oo ay ku biiraan jiida hore, iyadoo aan la ogeyn in qabshadda kadib ay Ciidanka dowladda sii joogi doonaan meelaha Al-Shabaab laga saarey hadda.

Waxaa xusida mudan in dowladda goobo badan oo si dhib leh lagu xoreeyay ay gacanteeda si fudud uga baxeen markii dambe, oo hadda Al-Shabaab dib ugu soo laabatay, taasoo ku timid qorsho xumo dhanka madaxda dalka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.