Sidee ID-karada ku heleen Xildhibaanada Garbahaarey?

Garbahaarey waxaa lagu doortay 16 Xildhibaan maalin kadib markii Ceel-Waaq lagu soo doortay 16 kale, oo Gudiga FEIT siiyay shahaadooyinka xubinimada Baarlamaanka 11-aad.

Warar Keydmedia Online
Sidee ID-karada ku heleen Xildhibaanada Garbahaarey?

MUQDISHO, Soomaaliya - Xog ay heshay Keydmedia Online ayaa sheegaysa in 16-ka Xildhibaan ee lagu soo doortay Garbahaarey ay si sahlan ku heleen Aqoonsiga ID-kaarka Gollaha Shacabka.

Sida KON ku heshay Macluumaadka, waxaa ID-karada siiyay Xildhibaanada Maxamed Mursal, gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka, kahor inta uusan xilka ku wareejin Sheekh Aadan Madoobe.

ID-kaaradda waxey ahaayeen Original, sidoo kale system-ka ayaa la galiyay si checkpoint-yadda uu systemka uga soo baxo. Waa arin dhalisay su'aallo la xiriira amniga Xildhibaanada," ayuu yiri mid kamid ah shaqsiyaadka xogtan siiyay KON oo magaciisa ka gaabsadey.

Dhibaada amni ee ka imaan karta ayaa ah in sidan oo kale ID-kaaradda Gollaha Shacabka loo siiyo xubno katirsan Al-Shabaab, kadibna ay gudaha u gudbaan, iyagoo aan la baarin.

Horey ayay Al-Shabaab u isticmaashay aqoonsiga hay'adaha kala duwan ee dowladda, oo ku weerartay xaruumo dhowr ah, oo isla Gollaha Shacabka kamid yahay May 2014.

Mid kamid ah Xildhibaanadii Maanta ka hadlay Villa Hargeysa ayaa sheegtay inay noloshooda khatar ku jirto, oo loo soo geliyay xarunta dad wata aqoonsiyo, oo aan ahayn Xildhibaanno rasmi ah.

Xildhibaanada Garbahaarey ayaa Warbaahinta usoo bandhigay ID-kaarada ay wataan, oo la siiyay, iyadoo uusan ka warheynin Gudoonka cusub, waxaana laga soo siiyay xafiiska Mursal.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.