Sidee Musharixiinta loo qeybiyay hadal-jeedinta Baarlamaanka?

Musharax kasta waxaa la siiyay 15 daqiiqo, oo kusoo bandhigi doono barnaamijkiisa siyaasadeed, oo Xildhibaanada uga raadinayo codadkooda.

Warar Keydmedia Online
Sidee Musharixiinta loo qeybiyay hadal-jeedinta Baarlamaanka?

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudiga Isku-dhafka doorashadda ayaa Maanta shaaciyay jadwalka hadal-jeedinta 39 Musharax oo isku diiwaan-geliyay inay u tartamaan xilka Madaxweynaha dalka.

Labo koox ayaa loo qeybiyay, waxaana berri khudbadahooda jeedin doona 20 Musharax, halka Khamiista ay jeedinayaan 19 kale, iyadoo labo maalin kadib Axada la qaban doono doorashadda.

Farmaajo ayaa loo ogolaan doonaa inuu Afisyooni la galo saddex qof, hal qof oo amniga ah, hal qof oo baratakoolkiisa ah iyo midka codadka u tirinaya, iyadoo Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif min labo qof la gali doonaan, waxaana baabuurtooda iyo Ciidanka uga tagayaan albaabka Xalane ee Madiina Gate, oo baabuur loo diyaariyay looga qaadayo.

Musharixiinta kale waxaa loo ogol yahay halka qof ee codka u tirinaya, iyadoo Saxaafadda loo sameeyay Shaashad ay kasoo tebiyaan doorashadda, kadib markii loo diiday gudaha inay galaan.

Cod kala iibsi xoog leh ayaa ka socda huteellada Muqdisho, oo Musharaxiinta ay kula hadlayaan Xildhibaanada, waxaana codadka ay marayaan boqolaal kun oo dollar, sida KON ogaatay.

HALKAN KA AKHRI LIISKA MUSHARIXIINTA:

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.