Sidee Rooble u arkaa doorashaddii Galmudug?

Waxay ka dhigan tahay doorashadda labada Kursi dhamaadka hanaanka lagu soo xulayo xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11aad.

Warar Keydmedia Online
Sidee Rooble u arkaa doorashaddii Galmudug?

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaare Rooble, ayaa soo saarey qoraal kooban oo uu kusoo dhaweeyay doorashadda labada Kursi ee ka harsanaa Aqalka Sare, oo ka dhacay Galmudug Maanta oo Sabti ah.

”Waa guul weyn in ay maanta soo idlaatay doorashadii Gollaha Aqalka Sare ee BFS, Waan bogaadinayaa senatorrada maanta la doortay, madaxweynaha iyo Baarlamaanka Galmudug iyo guud ahaan dowlad-goboleedyada," ayuu yiri Rooble.

Waxuu ka rajeeyay Rooble dowlad-goboleedyada oo dhami in sida ugu dhaqsiyaha badan u bilaabaan doorashada xildhibaannada Gollaha Shacabka, oo mudo saddex jeer dib u dhacday.

Gudiga doorashadda Heer Federaal ayaa Maanta sanaadiiq codbixin u diray qeybo kamid ah gobollada, waxaana la filayaa in bishan dhexdeeda ay billaabato doorashadda, lana soo gabagabeeyay bisha December.

Rooble ayaa mas'uuliyadda doorashadda lagu wareejiyay bishii May ee sanadkan kadib markii Farmaajo uu fashilmay, waxaana doorashadda sanadkan noqotay mid caqabada badan hareeyeen, oo hal sano dib u dhacday.

Labo kursi ayaa laga doortay 275 xubnood ee Gollaha Shacabka, kuwaasoo Muqdisho lagu doortay horaantii bishan, waxayna kamid yihiin kuraasta Somaliland, iyadoo mid kamid ah uu boobey Mahdi Guuleed.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.