Sierra Leone oo Ciidamo usoo direysa Soomaaliya

Muqdisho (KON) - Dowladda Sierra Leone ayaa shaacisay inay Ciidamo gaaraya Kun Askari usoo direyso Dalka Soomaaliya, Ciidamadaas oo ka qeybgalayaan Howlgalka AMISOM ee Koofurta Soomaaliya.
Warar Keydmedia Online

Madaxweynaha Dalka Sierra Leone oo la hadlay Wakaalada Reuters ayaa sheegay in Dowladiisu ay diyaar u tahay Amni sugida Soomaaliya.

Ernest Koroma ayaa yiri "Waxaan diyaarinay 1000 Askari oo hor leh kamid noqon doonaanah Howlgalka Ciidamda Midowga Afica ee AMISOM"

Ciidamo Boolis ah oo kasoo jeeda Dalka Sierra Leone ayaa haatan ka howlgalaan Soomaaliya.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.