SJS: Saxafiyiin caan ah oo lagu xiray Baydhabo

Wariyayaasha ayaa laga qabtay gudaha garoonka diyaaradaha ee Baydhabo xilli ay safar u ahaayeen magaalada Muqdisho, SJS waxa ay xustay in Saraakiil ka tirsan Nabadsugidda KGS oo ka amar-qaata xafiiska Laftagareen ay saxafiyiinta xabsiga u taxaabeen.

Warar Keydmedia Online
SJS: Saxafiyiin caan ah oo lagu xiray Baydhabo

BAYDHABO, Soomaaliya -  Ciidanka Nabadsugidda ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta xabsiga dhigay saddex wariye oo ka tirsan Ururka suxufiyiinta ee Somali Journalists Syndicate – SJS, kuwaas maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Baydhabo.

Wariyeyaasha ayaa lixidii maalin ee la soo dhaafay magaalada Baydhabo ka waday tababar la xariira dhisidda xirfadda saxafiyiinta gabdhaha oo lagu baranayay mowduucyo xirfadeed oo muhiim u ah shaqada haweenka ka hawlgala warbaahinta Soomaaliya.

Sida lagu sheegay war ka soo baxay Ururka SJS, saxafiyiinta la xiray ayaa kala ah; Maxamed Ibraahim Bulbul oo ah Xoghayaha Xuquuqda Aadanaha SJS; Hanad Cali Guuleed oo ah Xoghayaha Tababarrada SJS; iyo tababare saxaafadeed Maxamed-bishaar Barre Jaamac.

Wariyayaasha ayaa laga qabtay gudaha garoonka diyaaradaha ee Baydhabo xilli ay safar u ahaayeen magaalada Muqdisho, SJS waxa ay xustay in Saraakiil ka tirsan Nabadsugidda KGS oo ka amar-qaata xafiiska Laftagareen ay saxafiyiinta xabsiga u taxaabeen.

“SJS waxay cambaareyneysaa falkan sharci darrada ah ee ka dhacay garoonka Baydhabo saaka ee lagu beegsaday hawl-wadeennada Somali Journalists Syndicate - SJS.  Waxaan dalbaneynaa in si deg deg ah oo shuruud la'aan ah lagu siidaayo”, ayaa lagu yiri warka SJS.

Ma cadda illaa iyo hadda sababta rasmiga ah ee loo xiray wariyeyaashan oo muddo isbuuc ah ku sugnaa magaalada kuwaas oo muddadaas hayay shaqada tababarrada wariyayaasha, mana jiro wax hadal ah oo ka soo baxay taliska NISA iyo maamulka Koonfur Galbeed.

Dhawaan ayay ahayd markii Dowladda Soomaaliya ay laba mar xabsiga dhigtay Cabdalla Axmed Muumim oo ah xoghayaha guud ee Ururka Suxufiyiinta Somaaliyeed ee SJS, kaas oo laga mamnuucay inuu ka baxdo gudaha dalka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.