SKA oo Garoonka diyaaradaha Kaamarooyin ku xireysa

Muqdisho(keydmedia) Shirkada Calooshood u shaqeestayaasha ah ee lagu magacaabo SKA ayaa ka wada garoonka diyaaradaha Aadan cadde qorsha ay garoonka ugu xireyso Kaamarooyin ujeedadooda ay tahay la socodka dhaq dhaqaaqa dadka ku sugan garoonka.
Warar Keydmedia Online

Bishaaro Cabdi Garabey oo madax u ah gudi Baarlamaanka u qaabilsan arimaha gaadiidka cirka iyo dhulka oo booqatay garoonka ayaa sheegtay in SKA ay wali howsha wado isla markaana aanu hirgalin dalabkii Baarlamaanka Soomaaliya.

Todobaad ka hor ayeey aheyd markii R.wasaare Farmaajo ay xukuumadda ka dalbatay in la hakiyo howsha SKA tan iyo inta leysaga afgaranayo qaab howleedkeeda, laakiin R.wasaaraha arinkaasi ugama jawaabin Baarlamaanka Soomaaliya.

Dhanka kale warsaxaafadeed ay soo saartay SKA shalay ayaa lagu sheegay in shirkada ay tahay mid madax banaan oo dowladda heshiis aan la galin isla markaana howsha si toos ah uga wada garoonka Aadan Cadde.

Shirkadan Calooshood u shaqeestayaasha ah ayaa inta badan ka howl gasha goobaha xasaradaha ay ka jiraan ee Caalamka.

 www.keydmedia.net

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.