SKA oo qalab kala soo dageysa Dekadda Muqdisho

Muqdisho(keydmedia) Waxaa dekadda magaalada Muqdisho ka soconaya dhaq-dhaqaaq xoog leh oo ay shirkada SKA kula soo dageyso qalab kala duwan oo la sheegay in garoonka loogu tala galay.
Warar Keydmedia Online

David T oo ah agaasime ku xigeenka SKA ayaa u sheegay warbaahinta in qalabkaasi ay ugu tala galeen horumarinka adeegyada garoonka,iyadoona dhawaan xildhibaanada ay qeyla dhaan ka muujinayeen sii socoshada howasha SKA ee garoonka diyaaradaha.

Waxa uu sheegay ninkan u hadlay SKA in shirkadaasi ay qeyb ka qaadan doonto baaritaanka dadka ka degaya iyo kuwa fuuliyaha diyaaradaha, isagoona xusay in si weyn ay arimahaasi ugu kuurgali doonaan.

Waxa uu hoosta ka xariiqay David in dowlada ay la gashay qandaraas 10-sano ah isla markaana lagu wareejiyay qeyb ahaan garoonka dhawaana qeybaha kale ay rajeynayaan in lagu wareejiyo.

Dhanka kale waxa uu sheegay in shirkadan ay tahy mid shaqsi uu maamulo iyadoona hore ay u soo baxaya warar sheegaya in shirkadan ayaa maamulaan kooxa calooshood u shaqeestayaal ah.

Talaabadan ayaa muujineysa in shirkadan ay tahay mid ka amarsareysa dowlada isla markaana aan u jeedin dhageysiga baaqyada ka soo yeeraya xildhibaanada Baarlamaanka.

Www.keydmedia.net

 

 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.