Somalia oo Malaayiin Doolar loogu deeqay

Mas'uuliyiin dhowr ah ayaa loo xiray musuq-maasuq ay ku sameeyeen lacag deeq ahayd oo dowlado shisheeye iyo hay'ado caalami ah ugu deeqay wadanka in Coronavirus wax looga qabto.

Warar Keydmedia Online

TUNISIA - Dalal ay ku jirto Soomaaliya ayaa maanta loo ansixiyay lacag Malaayiin dollar ah, taasoo lagula dagaalamayo COVID-19 oo saameeyay Wadamo badan oo caalamka ku yaalla, sida lagu qoray website-ka Sanduuqa Horumarinta Afrika ee ADF.

Lacagtaan oo gaareyso 9.52 oo dollar ayaa waxaa ansixiyay Guddiga agaasimayaasha ee sanduuqa hormarinta Afrika ee fadhigiisa yahay dalka Tunisia.

Dalalka loogu deeqay lacagta ayaa kala ah Somalia, Jabuuti, Kenya, Sudan, Ruwanda, Ethiopia, Jesiiradaha Komooros, Tanzania, Burundi, Uganda, Eritrea iyo South Sudan, waxaana dhaqaalahan loogu tala-galay inay ku iibsadaan qalabka lagu baaro COVID-19, sidoo kalena lagu tababaro shaqaalaha caafimaadka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.