Somaliand oo ka jawaabtey Digniinta Shiinaha

Somaliland ayaa mudo 30 sano ah raadinaysa aqoonsi caalami ah, iyadoo Madaxdeeda ay diideen midowga Soomaaliya oo ay sheegeen inay ka baxeen 1991.

Warar Keydmedia Online

HARGEYSA, Somaliland - Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa ka hadlay Digniin maamulkiisa uga timid dowladda Shiinaha, oo la xiriirta cilaaqaadka ay la sameeyeen Taiwan, oo aan aqoonsi caalami ah haysan.

“Shiinaha uma aragno in uu culeys yeelanayo, innagana Soomaaliya ayaa tidhaahda annagaa leh, iyana shiinaha ayaa dhaha anaa leh, lakiin labadayaduba waan madax bannaan nahay, namana quseyso”. ayuu yiri Wasiir Faratoon.

Shiinaha ayaa uga digay Somaliland inay fargeliso madax-banaanideeda, maadaama Taiwan kamid tahay dalkaas, islamarkaana aysan suurtagal ahayn in loola macaamilo sidii wadan xor ah, oo haysta aqoonsiga beesha Caalamka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.