Somaliland oo degaanadeeda ka mamnuucday BBC

Maamulka Somaliland ayaa ku dhowaaqay in gebi ahaan degaannada maamulkaas laga mamnuucay laanta afka Soomaaliga ah ee BBC-da, sida uu ku dhawaaqay Wasiirka Warfaafinta.

Warar Keydmedia Online
Somaliland oo degaanadeeda ka mamnuucday BBC

HARGEYSA, Soomaaliya - Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Sulayman Yusuf Cali [Koore] oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa ku dhawaaqay in degaannada maamulkaas laga mamnuucay warbaahinta British Broadcasting Corporation (BBC).

Maamulka Soomaalilnad wuxuu laanta afka Soomaaliya ee BBC ku eedeeyay in ay ka baxday dhexdhexaad-nimadii saxaafadda, isla-markaana ay ku tumatay maqaamka magaca Somaliland, inkastoo aysan si sax ah faahfaahin uga bixin eedaha ay u jeediyeen BBC.

Wasiir Koore, eedda ugu weyn ee uu u jeediyay BBC ayaa ah in ay aqoonsan weysay Madaxbannaanidooda, wuxuuna sheegay in Soomaaliland si weyn uga soo horjeddo eray ay BBC adeegsato oo ah, “Maamulka iskiis madax bannaanida ugu dhawaaqay”.

“Laga billaabo maanta, oo ah 19/7/2022, waxaan go’aaminnay in dhammaan wixii shaqo ahaa ee BBC-du Soomaaliland u heysay la joojiyay, cid walba, xasfiis kasta iyo masuul waliba oo qaranka ka tirsanna sidaas ayuu ula socdaa”. Ayuu yiri Koore.

Dhanka kale ma jiro ilaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca hoggaanka BBC-da Soomaalida la hadasha, oo ku aadan go’aanka kasoo baxay maamulka Somaliland iyo eedda ku aaddan in ay lumisay dhaqankii iyo taariikhdii jiritaanka Somaliland.

Laanta Af-Soomaaliga ee BBC-da ayaa la aas aasay 18-kii July 1957-kii oo ah xilligii uu gumeystihii Ingiriisku ka arriminayay gobollada Waqooyi, waxayna Soomaaliland ku doodday in maamulkii xilligaas jiray uu masuul ka ahaa furitaanka idaacadda.

Soomaaliland, waxa ay ka mid tahay meelaha ugu daran ee warbaahinta Madax-bannaan ka howl-gasho, dhawaan ayayna ahayd, markii hal mar xabsiga Hargeysa la dhigay ku dhawaad 20 saxafi oo tabinayay shaqaaqo dhex martay maxaabiis iyo ilaalada xabsiga.

Soomaaliland waxaa ku soo wajahan doorashooyin aan wali lagu heshiin xilliga ay qabsoomayaan, bannaan-baxo ay dhigayeen axsaabta mucaaradka, ayaa loo adeegsaday rasaas noolnool, taasoo sababtay  dhaawaca shaqsiyaad uu ku jiro Xildhibaan Barkhad.

Xubno sar sare oo xilal muhiim ah ka hayay xisbiyada mucaaradka ee UCID iyo Waddani, ayaa u xiran maamulka Muuse Biixi, sidoo kale, waxaa wali xabsiga ku jira shacab iyo wariyayaal lagu xiray bannaan-bixii ay bishii hore mucaadku ka dhigeen Hargeysa.

Soomaaliland 30 sano ka hor ayay ku dhawaaqday in ay ka goyda Soomaaliya, hayeeshee, wali ma aysan helin wax aqoonsi ah. Wasiirka Ingiriiska Arrimaha Africa u qaabilsan Vicky Ford, ayaa dhawaan ku dooday in aqoosiga Somaliland kaliya uu yaallo Muqdisho.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.