Somaliland oo maxkamadeyneysa muwaadin u dhashay Jarmalka

Hargeysa (keydmedia) Xeer ilaaliyaha Somaliland ayaa sheegay in ay dhawaan maxkamad saari doonaan nin u dhashay Dalka jarmalka oo falal anshax darra ah kula kacay Haween Soomaaliyeed
Warar Keydmedia Online

Ninka Jarmalka ah ee la maxkamadeynayo ayaa ka duubay Haween Soomaaliyeed Filimaan anshax darro ah kuwaasoo uu baahiyay, waxaana taasi ay cara galisay umadda Muslimka ah ee ku nool magaalada Hargeysa.

Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in 3-da casho ee soo socoto go’aan laga gaari doono dooda loo heysto ninkaasi, waxaana arinkan dhaliila ka muujinaya shacabka ku nool Hargeysa, waxaana dadku ay aaminsanyihiin in xukunka uu mudanyahay aan lagu qaadi doonin ninkaasi.

Sidoo kale xeer ilaalintu waxa ay sheegtay in Haweenkii uu filimada ka duubay ninkaasi iyana ay wajihi doonaan xukun maxkamadeed saldhigiisu yahay shareecada Islaamka.

www.keydmedia.net

 

 

 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.