Soomaalida Canada oo soo dhaweyneysa qaxootiga Afghanistan

Cismaan Axmed Cali oo ah madaxa ururka Somali Canadian Association of Etobicoke ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin garab istaagga loo fidinayo qaxootiga reer Afghanistan.

Warar Keydmedia Online
Soomaalida Canada oo soo dhaweyneysa qaxootiga Afghanistan

CANADA - 20,000 oo qaxooti reer Afghanistan ah ayaa sugaya inay magan-galyo ka helaan dowladda Canada oo mar sii horreysay ku dhawaaqday inay dib-u-dejin u sameyneyso dadka ka soo cararaya Taalibaan ee isugu jira madaxda ururrada haweenka, shaqaalaha dowladda iyo dad kale oo dhibaatooyin kala kulmi kara.

Tiro yar oo qeyb ka ah 20,000 ee qaxootiga reer Afghanistan ayaa durba gaaray Canada, hayeeshe dowladda ayaa sheegtay in marka hore ay ciidamadeeda kala soo baxeyso gudaha Afghanistan, kahor inta aysan dhammeystirin qaxootiga ay ka keeneyso.

Wasiirka gaashaan-dhigga Canada, Harjit Sajjan oo Arbacadii la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamada ay soo gabagabeynayaan howlgalkooda garoonka diyaaradaha Kapul kahor 31 bishan August oo ah xiliga Mareynkanku sheegay in uu ku eg yahay howlgalkooda Afghanistan.

Diyaaradii ugu horreysay oo sida turjubaanno iyo dad kale oo ciidamada Canada ka caawinaayay howlgalkooda ayaa gaartay bilowgii bishan August, waxayna sheegtay inay sii wadi doonto soo daad-gureynta qaxootiga reer Afghanistan.

Hay’adaha aan dowliga aheyn ee taageera qaxootiga iyo dadka soo-galootiga ah ayaa laga codsaday in ay ka qeyb qaataan caawinta iyo dib-u-dejinta dadka qaxootiga ah ee laga keenayo Afghanistan.

Ururrada Soomaalida ah ayaa qeyb ka ah kuwa u diyaar garoobaya in ay gacan ka geystaan taageerada dadka qaxootiga ah reer Afghanistan.

Cismaan Axmed Cali oo ah madaxa ururka Somali Canadian Association of Etobicoke ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin garab istaagga loo fidinayo qaxootiga reer Afghanistan.

“Sidii aan u garab istaagnay si la mid ah jaaliyadaha ka horreeyay sida Suuriyaanka ayaan iyagana u caawin doonaa, waxayna ku sugan yihiin xaalad walwal ah oo u baahan in si wadajir ah la isaga kaashado,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

KEYMDEIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.