Soomaalida Kenya oo wadnaha farta ku haya kadib go’aankii ICJ

Shacbka iyo Dawlada Kenya ayey arintaasi ku abuurtay niyad jab balaaran, waana tan so de-dejisay cabsida ay wajahayaan ganacsatada Soomaalida ee halkaasi ku sugan.

Warar Keydmedia Online
Soomaalida Kenya oo wadnaha farta ku haya kadib go’aankii ICJ

NAIROBI, Kenya - Ganacsatada Soomaalida ee dalka Kenya ayaa baqdin xoogan ay la soo daristay kadib guushii Soomaaliya uga soo hoyatay dacwada badda ee galinkii danbe ee shalay lagu dhawaaqay.

Maxkamada ICJ ayaa shalay muranka ka saartay dacwadii badda ee u dhaxeysay Soomaaliya iyo Kenya,iyadoo libintuna raacday Soomaaliya halka kenya loo xukumay 12 mile oo sida la sheegayo irid yar u ah ganacsiga Dekadda Mombasa.

Shacbka iyo Dawlada Kenya ayey arintaasi ku abuurtay niyad jab balaaran, waana tan so de-dejisay cabsida ay wajahayaan ganacsatada Soomaalida ee halkaasi ku sugan.

Walaaca ugu badan kuwa muujinaya ayaa ah Soomaalida deggan Xaafada Islii, kuwaasoo ganacsiyo balaaran halkaasi ku leh,waxana arinta ay cabsida xoogan ay ka qabaan ay tahay in shacabka kenyaantigu ay dhigaan dibadbaxyo rabshado wato oo galaafta noloshooda iyo ganacsigooda.

Sheekh Maxamed Shakuul oo ka tirsan Ganacsatada Soomaalida ee Xaafada Islii oo la hadlayey warbaahinta ayaa baqdin ka muujiyey dhicitaanka dibadbaxyo saameyn ku yeesha ganacsiga soomaalida.

Ganacsadahan ayaa sidoo kale tilmaamay in Soomaalida ku nool kenya ay ku kala qeybsan tahay go'aanka Maxkamada, maadaama ay isugu jiraan Soomaali qaxootinimo ku timaaday iyo kuwa Soomaali Kenyan ah oo matalaad siyaasadeed ku leh dalkaasi, waxana uu dhanka Soomaalida qaxootiga ah uga digay in ay sameeyaan dibadbaxyo dhalin kara bur bur ku yimaada ganacsigooda.

Ganacsatadan ayaa Bulshada Soomaalida ee Islii ugu baaqay, in ay ka fogaadaan bixinta fal celin walba oo la xiriirta guusha Soomaaliya u soo hoyatay, xitaa hadii ay dhacaan dibadbaxyo ay kenyaatigu uga dhiidhinayaan go'aanka Maxkamada.

Ganacsatadan la hadashay Warbaahinta, ayaa Dowlada Kenya ka dalbaday in maalmahan ay si gaar ah u xaqiijiso amniga islii, waxana ay carabka ku adkeeyeen in laga dheeraado wax kasta oo keeni karo in la dhibaateeyo hantida dadka Soomaalida ah.

Bur burkii kadib Soomaali aad u fara badan ayaa maciinsatay dalka Kenya, waxana ay aad u daggaan Xaafada Islii ee Magaalada Nairobi halkaasoo ay ku leeyihiin ganacsiyo aad u waa weyn.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.